Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Hanjabay Inuu Lugtiisa Kusoo Qaban Doono Kooxda Man City…

21 total views, 1 views today

Zlatan Ibrahimovic Ayaa Aaminsan In Manchester United Ay Ka Qaadi Karto Horyaalka Premier League Kooxda Ay Xifaaltamaan Ee Manchester City Ka Dib Markii Uu Paul Pogba Kasoo Laabtay Dhaawacii Muddada Dheer Ku Maqnaa.

Weeraryahanka Reer Sweden Ayaa Bedel Kusoo Galay Kulankii Ay Kooxdiisa 4-1 Kaga Badisay Newcastle Sabtidii, Waxaana Uu Saftay Kulankiisii Ugu Horeeyay Tan Iyo Markii Uu Dhaawac Jilibka Kasoo Gaaray Bishii April.

“Waxaan U Maleynayaa Inaan Soo Qaban Karno City, Sababtoo Ah Suurtagal Ma Ahan In Ay Sidaan Usii Hogaamiyaan Horyaalka” Ayuu Yiri Ibrahimovic.

“Waxaan Dhamaanteen Halkan U Joognaa Inaan Guuleysano, Sababtoo Ah Waxaan Dooneynaa Inaan Qaadno Premier League.

“Waxaan Ka Hadli Karaa Awooda Kooxdeena, Kadib Waxaan Kuu Sheegi Karaa Inaan Nahay Koox Kala Wareegi Karta Hogaanka Manchester City Ayuu Ku Hanjabay Zlatan Ibrahimovic.

Zlatan Ibrahimovic Iyo Pogba Ayaa Kusoo Laabtay Safka Kooxda Manchester United, Iyadoo Labada Xiddig Muhiim U Yihiin Dadaalka Kooxdu Ugu Jirto In Ay Koobab Ku Guuleysato Xili Ciyaareedkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.