Zidane Oo Ka Hadlay Guushii Ay Xalay Ka Gaadheen Kooxda Paris St Germain, Muxuuse Ka Yidhi 90-ka Daqiiqo Soo Aadan Kulanka Ay Booqan Doonaan Garoonka Parc des Princes.

22 total views, 1 views today

Tababaraha xulka qaranka France ee iyo kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa kala hadlay saxaafada qaab ciyaareedka kooxdiisa kulankii ay xalay kula cil ciyaareen kooxda Paris St Germain garoonka Santiago Bernabeu, isaga oo xaqiijiyay sida uu ugu faraxsan yahay natiijada uu kulankan kusoo idlaaday.

Real Madrid ayaa talaabo wayn hore ugu qaaday in ay u soo baxdo wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda PSG. Inkasta oo ay PSG ku hor martay goolka isla markaana uu Adrien Rabiot shabaqa ka soo taabtay Los Blancos ayay haddana kooxda Zinedine Zidane si cajiib ah uga soo kabsatay xaalada adag ee ay kulankan ku wajahday.

Zinedine Zidane ayaa kulanka kadib wuxuu kasoo hor muuqday saxaafada wuxuuna kaga warbixiyay guushii ay ka gaadheen PSG isagoo hadalkiisa ku bilaaway: “Sheeko wali ma aysan dhamaanin waxaa harsan 90 daqiiqo ama in ka badan, laakiin aad u faraxsanahay sababtoo ah waxaan ciyaarnay kubad xoogan, waxa inoogu farxad badan ayaa ah garab istaagii ay inoo muujiyeen jamaahiirta kooxda, waa inaan farxad muujinaa sababtoo ah waxaan gaadhnay guul muhiim inoo ah, laakiin saddex isbuuc kadib waxaan markale ciyaari doonaa kulanka lugta labaad, si wanaagsan ayaana kaga war qabnaa in kulanka soo aadan aan ku dhibtoon doono”.

Macalinka reer France oo ka hadlayay qorshihiisa ciyaareedkii uu adgeegsaday kulankan ayaa wuxuu yidhi: “Waxa ay aheyd mid adag, laakiin waxaan ciyaarnay kulan weyn oo aan ku bilaabanay uguna dhameysano qaabka ugu fiican, waan ku faraxsanahay, guushaani waxay ahayd natiijo ka timid shaqo kooxeed adag, waxaan ku ciyaaray afar ciyaaryahan ee khad dhexe ah oo ay ku jiraan saddexda hore, si kastaba Isco wuxuu nagu hogaamiyay inaan wanaagsanaano”.

Zidane ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Real Madrid waa koox taariikh wanaagsan ku leh tartanka Champions League-ga, waxaan nahay kooxda ugu goolaha badan ee tartankan, waxaan horey ugu soo guuleysanay 12 jeer, waxa kaliya aan dooneyno ayaa ah inaan xaqiijino sida ay Real Madrid u bixin karto jawaab cad ah”.