Xukuumadda Soomaaliya Oo Sharci Ka Soo Saartay Ka Ganacsiga Gaadiidka

???????????????????????????????????

14 total views, 1 views today

 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/Llaahi Salaad Oomaar Oo La Hadlay Warbaahinta Dowladda Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Sharci Wasaaradu Ka Soo Saartay Sumadda Gaadiidka.

Mudane Maxamed C/Llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Sheegay In Wasaaradda Gaadiidka Xukumadda Soomaaliya Oo Ka Duulaysa Amniga Dalka Aya Sharci Ka Soo Saartay Gaadiidka Nuucyadiisa Kala Duwan.

Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliyeed Ayaa Dadaalo Xoogan Ugu Jirta Dhaqan Galinta Adkeynta Sharciyada Gaadiidka.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay In Ay Ka Jawaabeen Ganacsatada Ka Shaqeysata Gaadiidka Oo Markii Hore Dhibaato Ku Qabay Kala Iibsiga Gawaarida.