Xukuumada Soomaaliya Oo Soosaartay Nidaam Cusub Oo Askarta Ku Qaadanayaan Mushaarkooda…

28 total views, 2 views today

Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda  Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeesay daah furtay Nidaam cusub oo lagu diiwaan galinayo ciidanka dowlada si Mushaarkooda ugu qaataan Akoon banki.

Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa markii hore mushaaraadkooda lagu siin jiray si kaash ah, hasa ahaatee Wasaarada Maaliyada ayaa hada bilowday in la diiwana galiyo ciidanka si askari walbo Mushaarkiisa loogu shubo akoonkiisa gaarka ah.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay hadii nidaamkan guuleysto in ay noqon doonto mid wax badan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.

Musuq maasuq xoogan ayaa horey uga jiray Mushaar bixinta Ciidanka dowlada gaar ahaan Milatariga, waxaana lacagaha lagu qaadan jiray askar mar hore geeriyootay iyo kuwa aan dalkaba ku sugneen.

Nidaamkan cusub ayaa hadii uu guuleesto waxa ay horseedi doontaa in la helo diiwaanka saxda ah ee Ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milatariga oon wali la heyn tiradooda saxda ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.