Xukuumada Somalia Oo Udigtay Nabadoonada Ka Daba Yimaada Dadka Ay DF Xirato

20 total views, 1 views today

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/Casiis Xildhibaan Ayaa Sheegay In Nabaddoonnada Ka Daba Taga Askarta Loo Qabto Waxyeellada Dadweynaha Ay Xiri Doonaan.

C/Casiis Waxaa Uu Sheegay In Dadka Xiran Dharka Ciidamada Dowladda Ee Shacabka Dhibaatada U Geysta Ay Dowladda La Xisaabtameyso Sharcigana Geyneyso.

Waxaa Uu Xusay In Ay Dhibaato Ku Qabaan Odayaal Iyo Nabaddoonno Uu Sheegay In Ay Xabsiyada Uga Dabatagaan Askarta Dowladda Ee La Xiro Marka Ay Dad Shacab Ah Dhibaateeyaan.

Afhayeenku Waxaa Uu Ku Hanjabay In Xitaa Odayaasha Nabaddooonnada Ay Ee Dowladda Kala Xaajoonaya Siideynta Dadka Xir Xiran Ay Xabsiga Dhigi Doonaan Iyaguna.

Muqdisho Maalmihii La Soo Dhaafay Waxaa Ka Dhacay Cabasho Ay Ganacsato Ka Keenayeen Askarta Dowladda Oo Canshuur Bixin Dadka Ku Dila,Waxaana Ugu Dambeeyay Suuqa Degmada Kaaran Oo Dhowrkii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Xirnaa Kaddib Amrkii Ciidamo Dowladda Ka Wada Tirsan Ay Ku Wada Dagaallameen Taas Oo Sababtay In Ay Ku Dhintaan Dad Rayid Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.