Xukumadda Somaliya Oo Sagootisay Safiirkii Turkiga

1,188 total views, 4 views today

(Warqaat.com)—Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi wasiir dowlaha wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamigaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya Mudane Olgan Bekar.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu sakootinayo safiirka muddadii xil heyntiisu dhamaatay ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya.

Wasiir dowlaha arimaha dibadda ayaa ku amaanay Danjire Olgan Bekar inuu ahaa saaxiib wanaagsan iyo taageere wax badan ka badalay xiirka diblomaasiyadeed Muqdisho iyo Ankara.

Olgan safiirka ay mudo xileedkiisa shaqo dhamaatay ayaa u mahad celiyay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegey in xiriirka labadal ee walala ah uu hore u soconayo si ay ku jirto danta labada dal.