Xogtii Ugu Dambeysay Qarax Baabuur oo ka dhacay Muqdisho & Mas’uulka lala eegtay…

mid kamida is goosyada muqdisho

11 total views, 1 views today

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Maqaayadda The Village ee degmadaasi Hodan, waxaana uu ka dhashay Gaari nuuca raaxada ah.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxa Gaarigiisa loogu xiray shaqsi u shaqeynayay maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana la sheegay in wax khasaaro uusan geysan qaraxaasi, basle burbur xoogan uu soo gaaray Gaarigii shaqsigaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka maana muuqato qorshe ay wax uga qabanayaan laamaha ammaana ee dowladda Soomaaliya.