XOG:Ra’isulwasaare xilka ka qaadi rabo wasiirka ugu hantida badan xukumadiisa una dhashay beesha Hawiye gaar ahaan…..

13 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)—Warar hoose oo lagu kalsonaan karo ayaa shegaayo in ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo wado qorshe xilka oga qadaayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Eng Sabriye.

Damaca Kheyre ayaa yimid kadib markii dhowr jeer isku dhacayn wasiirka arimaha gudaha haba ugu danbeyse qorshe oo watay ra’isulwasaare kheyre oo ahaa in gudoomiyaasha degmooyinka gobolka banaadir xilka ka qaado kuwa cusubna magacaabo.

Wasiir Sabriye ayaa lasheegay in arintaas kasoo horjeystay meelna ku xooray damacii kheyre ahaa xilka qaadista iyo magacaabista waxaana lashegayaa in kheyre si weyn arintaas oga xanaaqay hadana maganyahay xilka qaadista.

Dhowr jeer ayaa hore isku qabteen Kheyre iyo Sabriye ayagoo bilihii ugu danbeyse aan wanaagsaneyn xiriirkooda wallow lashegayo in Eng Sabriye si weyn ugu mashquulsanyahay ganacsigiisa madaama oo yahay hantiile.

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka ayaa ah shaqsi aan siyaasada aan hore loogu aqoon kana mid ah ganacsarada waa weyn soomaaliya kana mid ah aas aasayaasha shirkada isgaarsiinta Nationlink.

Khilaafka u Dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaan aheyn mid hada soo bilowday, waxaana la sheegay in soo bilaabatay goorta khilaafka kataagnaa Galmudug oo Kheyre damacsanaa in xilka laga qaado Xaaf halka Eng Sabriye taageersanaa in xal siyaasadeed lagu xaliyo arintaas.