XOG:Qorshaha Puntland Ay Kalaheed Weerarkii Saaka Ee Tukarad(Wax Ka Ogoow)

18 total views, 2 views today

Warqaat.Com Ayaa Ogaatay Qorshihii Uu Weerarkii Saakay Ciidamada Puntlanad Ku Qaadeen Deegaanka Tukaraq Ka Lahaa Injineer Camey Oo Ah Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi, Islamarkaana Ah Shaqsigii Weerarka Hoggaaminayey.

Camey Oo Ah Qof Aad Ugu Dhuun Daloola Arrimaha Ciidamada Ayaa Ulajeedka Weerarka Ka Lahaa Ahaa Sidii Uu U Tijaabin Lahaa Awooda Ay Ciidamada Somaliland Ku Leeyihiin Tukaraq.

Waxa Uu Tijaabiyey Awoodda, Wuxuuna Diyaariyey Awooddaasi Mid Ka Weyn, Isaga Oo Dhanka Kale Qorsheeyay In Ciidamada Puntland Ay Weerarada Ka Qaadaan Jihooyin Badan Oo Kala Duwan.

Xogta Ayaa Sheegeysa In Puntland Ay Qaadi Doonto Markaan Dagaal  Xooggan Oo Ah Dib Uga Saaridda Ciidamada Somaliland Deegaanka Tukarraq Iyo Deegaanno Kale.