Xog: Yuusuf Garaad Oo Qarka U Saaran In Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Iyadoo B/Habar-Gidir…

15 total views, 1 views today

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Ayaa Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Odayaasha Beesha Habar Gidir, Iyadoo Kulanka Uu Ku Soo Dhamaaday Is Afgaran Waa.

Odayaasha Beesha Habar Gidir Ayaa Ka Dalbaday Kheyre Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Golahiisa Wasiiradda Taasoo Oo Suurta Galineysa Inay Dib U Helaan Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ah Jagada Ay Doonayaan, Iyagoo Aan Ku Qanacsaneyn Wasiirka Arimaha Dibada Uu Hayo Yuusuf Garaad Cumar Oo Ay Doonayaan In Xilka Laga Qaado.

Xasan Cali Kheyre Ayaa Odayaashan Kala Hadlaayay Inay Hormuud U Noqdaan Sidii Xildhibaanada Ay Aga Dhaadhicin Lahaayeen In Xukuumadiisa Aan La Carqaladeyn Balse Wuxuu Kala Kulmay Shuruud Adag.

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Sheegay In Xiligan Xasaasiga Aan Isku Shaandheyn Lagu Sameyn Karin Xukuumada, Isagoo Carabka Ku Dhuftay In Loo Baahan Yahay Waqti Kale Oo Ku Haboon.

Odayaasha Beesha Habar Gidir Ayaa Ku Adkeystay Inay Wadayaan Mucaaradka Ay Ku Yihiin Xukuumadda Ilaa Iyo Inta Ay Ka Helayaan Labo Xil Oo Ay U Arkaan Inay Muhiim U Yihiin Beeshooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.