XOG: Xildhibaano Wada Mooshinka Kadhan Ah Wasiirda…

23 total views, 1 views today

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Ayaa Saxiiay Mooshin Ka Dhan Golaha Wasiirada Cusub Ee Hirshabeelle, Kuwaasi Oo Todobaadkan Uu Magaacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaano Tiro Ahaan Gaaraya 70 Oo Ku Shiray Magaalada Jowhar Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Ka Soo Horjeedaan Tirada Wasiirada Aadka U Badan Ee Uu Magacaabay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanadan Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Mooshinkan Ay Maanta Oo Jimco Ah U Gudbin Doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Waxayna Tilmaameen Hirshabeelle In Aysan Xamili Karin Wasiiro Tiradooda Aad U Badan.

Xildhibaan Maxamed C/Raxmaan Khayre Oo Ka Tirsan Hirshabeelle Ayaa Wuxuu Sheegay Hanaanka Loo Maray Magacaabista In Ay Tahay Mid Qaldan, Wuxuuna Madaxweynaha Ku Eedeeyay Inuu Ka Baxay Balamo Uu Xildhibaanada La Galay.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Ayaa Arbacadii Ina Dhaaftay Magacaabay Gole Wasiir Oo Ka Kooban 57 Xubnood, Iyadoo Aanay Ku Jirin Wasaaradda Haweenka Oo Aanay Wali Cidna Loo Magacaabin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.