XOG: Xildhibaanada Mucaaradka Oo Abaabul Cusuba Ka Bilaabay Muqdisho …..

????

21 total views, 1 views today

Xildhibaanada Mucaaradka Ee Ku Jira Labada Aqal Ee Baarlamaanka Ayaa Hadda Bilaabay Qorshe Cusub Oo Ay Kaga Jawaabayaan Wejiga Cusub Ay La Soo Baxday Dowladda Ay Hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo Iyo Xasan Cali Kheyre

Xildhibaanadaan Oo Tiro Aan Yareyn Ah Ayaa Waxa Si Weyn Uga Dhex Muuqda Mahad Salaad,Faarax Sheikh C/Qaadir Iyo Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Hadana Ah Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka C/Raxmaan Odawaa,Waxaana Hadda Xildhibaanadaan Taageeraya Xildhibaano Kale Oo Ku Kacsan Madaxda Dowadda Oo Ay Ka Mid Yihiin Axmed Macalin Fiqi Iyo Abshir Bukhaari Oo Ah Ku-Xigeenka Koowaad Ee Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka Ayaa Intaasi Ku Daraya In Maadama Dowadda Soomaaliya Diiday In Shirar Ka Dhan Ah Dowladda Lagu Qabto Hotelada Ayaa Waxay Ku Kulmaan Goobo Cayiman Oo Aan Lagu Fahmeyn Iney Ku Shiraan.

Ilo Xog Ogaal Ah Ayaa Warqaat.Com U Sheegay In Abaabulkaan Cusub Uu Ka Dhashay Weerarkii Lagu Qaaday C/Raxmaan C/Shakuur Iyo Xariga Loo Geystay,Waxayna Doonayaan Iney Xoojiyaan Muaaradnimadooda Ka Dhanka Ah Farmaajo Iyo Kheyre.

Dowladda Soomaaliya Ayaa Hadda Waxaa Ku Furan Mowjado Mucaarad Siyaasadeed Kuwaasi Oo Looga Baxay Balan Qaad Siyaasadeed Oo Loo Sameeyay.

Madaxweynaha Iyo Ra’iisal Wasaaraha Ayaa Ugu Baaqay Mucaaradka Ineysan Dadka Marin Habaabinin,Islamarkaana Dhinac Ka Raacaan Horumarka Socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.