XOG: Xasan Sheekh oo kasoo Horjeestay Qorshaha Mahad Salaad & Xildhibaanada kale ee Damu-Jadiid…

18 total views, 2 views today

Xog gaara ayaa sheegeysa in Madaxweynihii Hore Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qadka Taleefanka kula soo hadlay inta badan xildhibaannada ugu cad cad ururka Damuljadiid oo ay iskala tirsan yihiin.

Xasan oo maalmahan dambe aad ula socday waxyaabaha ka socda Muqdisho iyo doodaha xildhibaannada Damuljadiid iyo sidey dowladda u mucaaradeen ayaa hadda wuxuu faray Hal arrin oo kaliya.

Wuxuu ka dalbaday in dowladda aan la carqaladeen oo umadda Soomaaliyeed u arag Damuljadiid kuwo dalka u diidan inuu dego.

Wuxuu si gaar ah u faray Xildhibaannada aadka u dooda maalmahan dambe ee ururkaasi kamidka ah, in sharafta ururka ilaaliyaan, mucaaradnimada xilligaanna ay waqti u yeelaan.

Xasan ayaa isaga u muuqda mid hadda aan dooneyn in lagu sii fogaado mucaaradista dowladda Farmaajo hoggaamiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.