Xog Xasaasi Ah: Waa Kuma Shaqsiga Cusub ee lagu badalayo Wasiirka Amniga DF Somalia….

17 total views, 1 views today

Iyadoo ay socdaan Qorshe uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku doonayo inuu xilka kaga qaado Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwo kalena uu ku magacaabo ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirada xilka laga qaadayo lagu badelayo shaqsiyaad kale oo horay xil u soo qabtay.

Wasiirada hadda Ra’iisal wasaaraha u calaamadeysan inuu xilka ka qaado waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow,kaasoo hadda la aamisan inuu wax badan ka qabtay amniga magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka lagu bedelayo Taliyihii hore ee Nabad sugida Generaal C/raxmaan Maxamed Tuur yare oo la rumeysan yahay nin howlkar ah oo mudadii uu xilka Agaasimaga hay’adda Nabad sugida uu hayay wax badan xaalada amni ka bedelay.

Kulamo joogta ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in isku shaadhayn lagu sameeyo Wasiiradiisa, waxaana suurta gal ah in qaar ka mid ah aysan ku soo laaban Saaxada Siyaasadda ee Xukumadda khayrre.

Ra’iisal Wasaare Khyrre ayaa isku dayaya in uu xakameeyo Wasiirada xariirka la leh siyaasiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukumaddiisa, waxaana Wasiirada qaar la sheegay in ay Xilkooda ku weyn doonaan sidii ay uga fal celiyeen weerarkii ay Dowladda ku qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, Guddoomiye Taabid iyo Khilaafka Ra’iisal Wasaare Khayrre ayaa sidoo kale ka soo bilaawday Xeragii C/raxmaan C/shakuur oo ay raali gilin ka bixiyeen isaga iyo Wasiirka amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.