Xog: Wax Badan Ka Ogaaw Mas’uuliyiinta Qarsan Ee Saameynta Xoogan Ku Leh Siyaasada…

25 total views, 1 views today

Dowlada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ayaa Waxaa Lagu Sheegaa Inay Leedahay Dhowr Lataliye Oo Awood Badan Ku Dhex Leh Siyaasada Madaxtooyada, Waxayna Qeyb Ka Yihiin Go’aanada Deg Dega Ah Oo Dowlada Ay Qaadato.

Saraakiil Ka Tirsan Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Sheegaya In Awoodo Qarsoon Oo Aan La Ogeyn Ay Leeyihiin Xildhibaan Mustaf Dhuxulow Iyo Xuseen Macalin Maxamed Oo La Taliye U Ah Madaxweyne Farmaajo Waxaa Sidoo Kale Awooda Qarsoon Ee 3-Aad Ah Fahad Yaasiin.

Xildhibaan Mustaf Ma Qarsan Arrintan Waxaana Mar Waliba Lagu Arkaa Shirarka Iyo Xafladaha Xukuumadda Iyo Gobolka Banaadir, Waxayna Dadka Qaarkii Ugu Yeeraan Nin Ka Shaqo Badan Wasiirada Qaarkood Oo Dusha Ka Haga Shaqada Xukuumadda.

XUSEEN MACALIN MAXAMED: Waa La­taliyaha Madaxweyne Farmaajo Ee Dhinaca Amniga Qaranka, Wuxuuna Ka Mid Ahaa Mas’uuliyiintii Ugu Horeeyay Ee La Magacaabo, Waxay Saameyntiisa Soo Baxday Kadib Markii Uu Si Weyn Ugu Lug Yeeshay Qorshaha Amniga Qaran Ee Muranka Ka Dhashay, Waxaa La Sheegaa Inuu La Wareegay Shaqadii Wasiirada Gaashaandhiga Iyo Amniga Gudaha Oo Uu Yahay Mas’uul Idman Oo Madaxweynuhu Leeyahay.

Fahad Yaasiin Oo Ah Isagana Nin Afgaaban Oo Aan Jecleyn Inta Badan In Uu Kasoo Muuqdo Warbaahinta Ayaa Ah Awood Qarsoon Oo Siyaasada Dalka Saameyn Ku Leh Waxaana Uu Ku Magacaaban Yahay Agaasimaha Villa Somalia Waxaana Wararka Qaar Ay Sheegaan In Uu Ahaa Ninkii Maal Galiyay Ololahii Farmaajo Uu Kusoo Baxay Ee Doorashada.

Dhamaan awoodaha ay kudhax leeyihiin dowlada ayaa ah mid suurta galisa in ay inta badan kahortagaan mucaarad ka kasoo horjeed dowlada iyo siyaasiyiinta markay dantoota kawaayaan negative ka kunoqda dowlada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.