XOG: Wasiir ka tirsan Xukuumada Kheyre oo lagu amray inuusan la Kulmi karin Madaxda Imaaraadka

22 total views, 1 views today

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay kaga digtay Wasiirka arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya inuu markale isku dayo kulamo uu Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Imaaraadka kala hadlayo soo celinta Xiriirka Labada Dal.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa mudo u ololeynayay in lasoo celiyo Cilaaqaadkii labada Dowladood balse waxaa hore arintaasi cadaadis ugu saaray Ra’iisul wasaare Kheyre oo kaga digay.

Villa Somalia ayaa ogaatay in Masuuliyiin ka socda Dowlada Imaaraadka ay kulan gaar ah kula yeesheen Wasiir Cawad Dalka Sacuudiga xilli uu qeyb ka ahaa Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhowr jeer isku dayday inay Madaxda Soomaaliya ka dhaadhiciso inay ka wada hadlaan Xiriirkooda xumaaday balse Madaxweyne Farmaajo ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda in Imaaraadka uu kusoo laabto wada shaqeyntii Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore kaga carooday faragalintii joogtada aheyd ee Imaaraadka ku hayay Soomaaliya iyo markii la ogaaday in lacago lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde Imaaraadka uu doonayay inuu ku maalgaliyo Mooshin lagu ridi rabay Dowlada Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Cawad ayaa lagu amray inuusan markale la kulmin Masuuliyiin ka socoto Imaaraadka amar la’aanta Ra’iisul wasaare Kheyre.