XOG: Waa tee degmada u dhaw Villa SOMALIA ee inta badan Shabaab ka Abaabulaan Weerarada?..

16 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)— Warar hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ay heleen xogo ku saabsan in Qaraxyadii ugu dambeeyay laga soo abaabulay Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Degmada Waaberi oo ku taala Goob faras Magaalo isla markaana u dhow xarumaha Dowlada iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore gudaheeda waxaa ka dhacay dagaalo toos ah oo u dhaxeeya dagaalyahano Al shabaab iyo Ciidamada Nabad sugida taasoo muujineysay qatarta ay leedahay awooda ay leeyihiin kooxda Shabaab ee halkaasi ku dhuumaaleysaneysay.

Xogtan la helay ayaa ka dambeysay ka dib Weeraradii Todobaadkan iyo kii ka horeeyay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo waddooyinka ugu muhiimsan ay xiran yihiin, waxaana la ogaaday in Gawaarida Weerarada lagu fuliyay inay kasoo baxeen isla degmadaasi.

Sidoo kale Degmada Waaberi gudaheeda waxaa lagu dilaa Shaqaalaha dowlada Soomaaliya, iyadoo inta dadka dowlada u shaqeeya ay ka cabsadaan inay tagaan degmadaasi.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad sugida ayaa inoo sheegay in Howlgalo baaritaano culus laga fulin doono Waaberi, iyadoo sidoo kale Degmooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya gudaheeda la dajin doono Ciidamo Boolis iyo Nabad sugid ah si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqyada ka socda.