XOG: Sirdoonka DF oo ka war helay Gaadiid Qaraxyo Iyo rag Shabaab oo soo galay Muqdisho Iyo digniin laga soo saaray….

24 total views, 1 views today

Xog Muhiim Ah Oo Laga Helay Sirdoonka Soomaaliya Ayaa Sheegaya In Gaadiidka Ay Ka Buuxaan Qaraxyo Iyo Dhalinyaro Shabaab U Qaabilsan Amniyaadka (Madax Jabis),Ayaa Soo Galay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Xogtaan Oo Ay Heshay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Ayaa Lagu Daba Jiraa,Waxaana Jira Dhalinyaro Badan Oo Si Hoose Su’aalo Loo Weydiiyay Oo Ku Aadan Iney Arritaan Ka War Hayaan Iyo In Kale,Kuwaasi Oo Qaarkood Xogtaan Si Hoose Ula Wadaagay Wakaaladda Wararka Warqaat.Com

Ku Dhawaad Seddex Gaari Oo Nuuca Rooneeda Soomaalida U Taqaano Oo Qaraxyo Ka Buuxaan Iyo 10-Dhalinyaro Bastoolad Ku Hubeysan Ayaa Ku Dhex Jira Magaalada,Kuwaasi Oo Damacsan Qorshe Lid Ku Ah Amaanka.

Ururka Al-Shabaab Oo Hadda Meelo Fara Ku Tiris Kaga Sugan Soomaaliya Ayaa Wajahay Culeysyo Dhanka Militariga Ah,Waxaana Marka Ay Sidaan Dareemaan Sameeyaan Qaraxyo Iyo Dilal Magaalooyinka Muhiimka Ah Ka Geystaan.

Dowladda Soomaaliya Ayaa Wada Qorshe Ay Ku Adkeyneyso Amaanka Dalka Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Oo Dowadda Ay Ku Shaqeyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.