XOG: Qeebo Kamida Kooxda Al-Shabaab Oo Raba In Ay Muqdisho Soo Galaan Iyo Taliska NISA Oo Qaaday Tilaabo Cusub…

20 total views, 1 views today

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somaliya, Ayaa Waxay Bilaabeen Inay Adkeeyan Ammaanka Labada Kontorool Ee Laga Soo Galo Magaalada Muqdisho, Iyadoona Gaadiidka Lagala Deggo Xubnaha Lala Xiriiriyo Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ee Ku Kala Sugan Kontoroolada Afgooye & Balcad, Ayaa Waxay Baaritaano Ku Marsiinayan Gaadiidka Doonaya Inay Gudaha U Soo Galaan Magaalada Muqdisho, Xilliyada Qaarkoodna Waxaa Dhacda In Dadka Laga Soo Dejiyo Gaadiidka, Laguna Sameeyo Baaritaano Mid Mid Ah.

Saraakiisha Oo Feejignaantooda Sare U Qaaday, Ayaa Waxay Mararka Qaarkood Gaadiidka Ka Reebtaan Xubnaha Ay Ku Tuhmaan Inay Ka Tirsan Yihiin Dagaal-Yahanada Mayalka Adag Ee Al Shabaab.

Ilo Wareedyo, Ayaa Sheegaya In Saraakiishu Ay Amrayaan In Xubnaha Looga Shakiyo Shabaabnimada Loo Qaado Xarumaha Lagu Baaro Dadka Loo Haysto Inay Ka Tirsan Yihiin Shabaabka, Si Loogu Kala Xaqiijiyo Waxa Ay Yihiin.

Sarkaal Diiday In Magaciisa Warbaahinta Loo Adeegsado, Ayaa Sheegay In Madaxda Dowladda Somaliya Ay Ka Helayn Amaro Ku Aadan In Laga Hortaggo Firxadka Shabaabka, Si Aanay Ugu Suurtagelin Inay Gudaha U Soo Galaan Caasimadda Muqdisho.

Mareykanka Oo Ballaariyay Duqaymaha Ka Dhanka Ah Ururka Al Shabaab, Ayaa Keentay In Shabaabku Isu Kala Qaybiyan Magaalooyinka Iyo Deegaanada Kale Ee Dalka, Iyagoona Yareeyay Tirada Askartooda Ku Sugan Deegaanada Ay Ka Arrimiyan.

Toddobaadyadii La Soo Dhaafay, Ayaa Waxaa Koonfurta Somaliya Ka Dhacay Duqaymo Is Xig Xigay, Oo Diyaaradaha Dagaalka Mareykanku Ay La Beegsadeen Saldhigyo Ay Shabaabku Leeyihiin.

Bishii November Oo Ay Dhaceen Duqaymihii Ugu Badnaa Ee Ay Fuliyaan Diyaaradaha Mareykanka, Ayaa Waxaa La Leeyahay Waxay Shabaabku Dareemeen Kuleylka Gantaalaha Cul Culus.

Axmed Macalin Fiqi, Agaasimihii Hore Ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) Ahna Xildhibaan Golaha Shacabka Ka Tirsan, Ayaa Sheegay In Duqaymahan Ay Wax Ka Tari Doonaan Dagaalka Lagula Jiro Ururka Al Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.