Xog: Ololaha Mooshino Ka Dhan Ah MD Farmaajo Iyo Jawaari Oo Ka Socda Muqdisho..

22 total views, 1 views today

Illo Xog Ogaal Ah Ayaa Sheegaya In Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia Ay Qaarkood Ka Wadaan Magaalada Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweyne Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Mooshinkan, Ayaa Waxaa Dhabarka Ka Riixaya Emirate-Ka Carabta, Iyadoo Loo Adeegsanayo Siyaasiyiin Soomaali Ah, Kuwaa Oo Magaalada Muqdisho Ku Abaabulaya Tiro Xildhibaano Ah. Ilo Wareedyo Ayaa Sheegaya In Shirar Gaar Gaar Ahi Ay Siyaasiyiinta Iyo Xildhibaanaduba Uga Bilowdeen Magaalada Muqdisho.

Wararka Waxay Sheegayan In Yoolku Uu Yahay Mooshinkaasi In Guddoonka Golaha Shacabka Loo Gudbiyo Maalinta Isniinta, Oo Madaxweyne Farmaajo Uu U Socdaali Doono Dalkaasi Emirate-Ka.

Wararka, Ayaa Intaa Ku Daraya Saxiixa Mooshinkan In Xildhibaan Kasta Lagu Siin Doono Lacag Dhan Labaatan Kun Oo Lacagta Mareykanka ($20,000), Halka Cod U Qaadista Mooshinkuna Uu Xildhibaankii Ku Heli Doono Konton Kun Oo Dollarka Mareykanka ($50,000).

Mooshinkan Oo Ah Mid Lagu Carqaladeynayo Villa Somalia, Ayaa Waxa Uu Barbar Socdaa Mooshin Kale Oo Magaalada Muqdisho Lagu Karkarinayo, Kana Dhan Ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa Soo Baxaya Warar Sheegaya In Xildhibaanada Taageersan Madaxweyne Farmaajo, Ay Yihiin Kuwa Diyaarinaya Mooshinka La Damacsan Yahay In Xilka Looga Tuuro Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Warar Lagu Kalsoonaan Karo, Ayaa Sheegaya In Jawaari Uu Qaban Doono Mooshinka Ka Dhan Ah Maxamed C/Laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Haddii Aanay Villa Somalia Joojin Cadaadiska Ay Ku Hayso.

Jawaari, Ayaa Xilligan U Arka In Halis Uu Ku Jiro Xilkiisa, Si Uu U Badbaadsadana Uu Xildhibaanada Wada Mooshinka Liddiga Ku Ah Farmaajo, Kala Shaqayn Doono Mooshinkaasi, Oo Qorshaha Laga Leeyahay Uu Yahay In Kursiga Looga Tuuro Farmaajo.

Xildhibaanada Ka Shaqaynaya Mooshinka Ka Dhanka Ah Jawaari, Ayaa Iyagu Qorsheynaya In Ay Mooshinkaasi U Gudbiyaan Gudoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka, C/Weli Sheekh Ibraahim Muudey, Si Uu Ugu Soo Daro Ajandaha Golaha Shacabka, Looguna Qaybiyo Xildhibaanada..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.