XOG: Mucaaradka ugu weyn dowlada Farmaajo oo Kulmay

33 total views, 5 views today

Xog gaara oo ay heshay wakaalada Warqaad ayaa sheegeysa in Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Damu-Jadiid ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxayna qorshe halis ah ugu dageen Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan oo ka dhacay mid ka mid Hotelada ku yaala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo abaabulay Siyaasiyiinta dhaq dhaqaaq ugu xoogan ee mucaaradnimada ka wada magaalada Muqdisho.

Fadeexada ugu xoogan ee heysata dowlada Federaalka ayaa ah in kulanka ay goobjoog ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo doonaya in dowlada ay mushaarka ka qaataan ay burburiyaan iyagoo u adeegaya dowlado shisheeye.

Damu Jadiid waxay isla garteen in fursado badan ay heystaan, oo ay ku ridi karaan dowlada Farmaajo iyagoo ka faa’iideysanaya khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo madaxda dowlada iyo sidoo kale weerarada lagu qaado shaqsiyaadka dowlada mucaaradsan.

Si kastaba ha ahaatee Xisbiga Damu-Jadiid ayaa dagaal xoogan kula jira Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyagoo dhowr jeer ku fashilmay mooshino ay kasoo abaabuleen dowlada.