XOG: Maxaakajira In Soomaaliya Taangiyo Lasiin Rabay Maraykanka Uu Hor Istaagay(Yaasiirabay)

20 total views, 1 views today

Dowladda Maraykanka Ayaa Diiday In Dowladda Federaalka Soomaaliya La Siiyo Taangiyo Dagaal Oo Ay Soo Wadday Dowladda Turkiga.

Sida Aan Xogta Ku Helnay, Dowladda Maraykanka Ayaa Qoraal Dheer U Dirtay Dowladda Turkiga, Waxaana Uu Ku Saabsanaa Qoraalkan In Hadda Aan Soomaaliya La Siin Taangiyadan.

Maraykanka Ayaa U Sheegay Turkiga In Weli Dowladda Soomaaliya Aanay Garin Isku Filnaansho, Ayna Ka Baqanayaan Haddii Taangiyadan La Siiyo In Dhanka Al-Shabaab U Gudbaan.

Sidoo Kale, Maraykanka Ayaa Sheegay In Halista Kale Ay Tahay In Soomaalida Dhexdooda Isku Adeegsadaan Taankiga, Sidaasi Darteedna Muhiim Tahay In Dib U Eegis La Sameeyo.

Turkiga Waxaa Ka Go’an Sidii Ay Soomaaliya U Saacidi Lahaayeen, Islamarkaana Ciidamada Dalka Uga Dhigi Lahayeen Kuwa Bedala AMISOM.