XOG: Maxaa Kajira in Guddoomiye Golaha Shacabka Uu Mucaaradka Dowlad Madaxweyne Farmaajo Lasafan Yahay.

23 total views, 1 views today

Warar Hoose Oo Ay Heshay Wakaalada Warqaat.Com Ayaa Sheegaya In Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Uu Si Hoose Ula Shaqeynayo Mucaaradka Ku Kacsan Dowlad Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari Ayaa Xiriir Joogta Wuxuu La Leeyahay Siyaasiyiinta Ururka Damu-Jadiid Iyo Kuwa Kale Uu Ka Mid Yahay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Oo Si Weyn Uga Soo Horjeeda Dowlada Federaalka.

Jawaari Ayaa Ka Mid Shaqsiyaadka Sida Weyn Kaga Soo Horjeeda Go’aanka Dowlada Ee Weerarada Lagu Qaado Siyaasiyiinta, Wuxuuna Xulafo La Yahay Dowladaha Imaaraadka Iyo Sacuudiga, Iyadoo La Ogaaday Inuu Dhaqaale Fiican Ka Helo, Si Uu U Buuro Olole Ka Dhan Ah Dowlada Farmaajo, Shacabkana Aysan Ogaan.

Guddoomiye Jawaari Oo Shaarar Badan Gashta Ayaa Dhawaan Lagu Waday Inuu Safar Ku Tago Dalka Turkiga Laakiin Waxaa Ka Horyimid Madaxweyne Farmaajo, Waxaana Uu Halkaasi Kulamo Kula Qaadan Lahaa Mucaaradka Ugu Weyn Dowlada Uu Ugu Horeeyo Madaxweynihii Uu Xilka Kala Wareegay Farmaajo Ee Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Masuuliyiinta Kale Ee Xisbiga Damu-Jadiid.