XOG: Mareykanka Oo Awood kabadan tii uu lahaa Siinaya Sh.Muqtaar Roboow Balse…

26 total views, 4 views today

Warar Si Hoose Aan U Helnay Ayaa Waxay Sheegayaan In Dowladaha Itoobiya Iyo Maraykanka Ay Markaan Qorshe Aad U Cajiib Ah Ka Leeyihiin Wadaadka Kasoo Baxsaday Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Warka Waxaa Uu Sheegaya In Dowladahan Ay Doonayaan In Markaan Roobow Lagu Shaqeeyo Si Loo Helo Waddooyin Badan Oo Al-Shabaab Looga Adkaado.

Waxaa La Doonayaa Sida Naloo Sheegay In Roobow Hoggaan Looga Dhigi Doono Qeyb Kamid Ah Dagaallada Dalka Looga Xoreynayo Al-Shabaab, Waxayna Aadinayaan Dhanka Baay Iyo Bakool.

Sidoo Kale Waxay Doonayaan Dowladahan Inuu Si Buuxda Uga Xog Bixiyo Qaababka Al-Shabaab Weerarada Usoo Qaadaan, Sida Looga Hortagi Karo Iyo Arrimo Kale.

Baydhabo Wuxuu Kula Kulmay Xalay Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Xog Badan Ka Weydiiyey Arrimaha Al-Shabaab, Waxaana La Filayaa Sidoo Kale In Xogo Kale Kala Qaateen Roobow.

Roobow Ayaa Haa Tan Ah Mid Umuuqda In Uu Udiyaar San Yahay Ladagaalan Ka Ururka Al shabaab Balse Aan Wali Siras Mi Ah Dagaal Ubilaabin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.