XOG: Madaxweyne Farmaajo Oo Diiday Inuu La Kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil…

21 total views, 1 views today

Ilo Wareedyo U Dhow Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Wakaalada Warqaat.Com U Sheegay In Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Uu Diiday Inuu La Kulmo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Israa’iil.

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Qaatay Go’aan Geesinimo Leh Oo Ay Ku Farxeen Shacabka, Waxaana Talaabadan Loo Arkaa In Taariikhdii Iyo Wada Xaajoodkii Aan Hore Ugu Dhaxeyn Soomaaliya Iyo Israa’iil Uu Tixgaliyay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa Warqadii Marti-Qaadka Hotelka Uu Ka Degan Yahay Magaaladda Nairobi Loogu Keenay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, Waxaana Uu Madaxweynuhu Daboolka Ka Qaaday Inuusan Kulankaasi Ka Qeyb Galayn Isagoo Daaha Ka Qaaday Inaysan Dawladda Soomaaliyeed Aqoonsaneyn Dawladd Israa’iil La Dhaho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.