XOG: Kooxda Al Shabaab Oo Fariin U Dirtay Qaar Kamida Hoteelada Caan Ka Ah Ee Muqdisho..

16 total views, 1 views today

Waxaa Maalmihii Ugu Danbeeyay Magaalada Muqdisho Ka Taagneyd Cabsi Dhanka Amaanka Ah Oo Saameyn Xoogan Ku Yeeshay Degnaanshiyaha Hoteelada Waaweyn Ee Magaalada.

Cabsida Ugu Badan Ayaa Timid Kadib Markii Maleeshiyaadka Al­shabaab Ay Fariimo Goodin Ah U Direen Dhowr Hoteel Oo Ku Yaalla Muqdisho.

Cabsida Jirta Ayaa Sabab U Noqotay In Mas’uuliyiinta Qaar Ay Isaga Guuraan Hoteelada, Xili Maleeshiyaadka Al ­Shabaab Ay Horay Xasuuq Uga Geysteen Hoteelo Dhowr Ah.

Hoteelada Qaar Ayaa Lasoo Sheegayaa In Kalabar Qololkooda Ay Yihiin Kuwo Xiran, Halka Qaarna Ay U Xirmeen Kiro La’aan, Waxaana Xusid Mudan In Hoos Dhac Uu Ku Imaaday Tirada Hoteelada.

Mas’uuliyiinta Cabsida Uga Guuray Hoteelada Ayaa Sidoo Kale Degay Xaafadaha Qaar Kuwaa Oo Jaray Waddooyinka Hormara Guryahooda Sababo La Xiriira Cabsi.

Waddooyinka Xiran Ayaa U Badan Kuwa Ku Dhow Dhow Laamiyada, Gaar Ahaan Wadada Makka Al­Mukarama Oo Ah Halka Qura Ay Dagan Yihiin Madaxda Dowlada.