XOG: Itoobiya Oo Hubkii Ugu Badnaa Soo Galisay Somalia Iyo Balantii Farmaajo Oo La Burburiyay

18 total views, 1 views today

Ilo Wareedyo Lagu Kalsoon Yahay Ayaa warqaat.Com U Sheegay In Dowlada Itoobiya Ay Hub Fara Badan Ku Wareejisay Maamulka Ahlu Sunna Ee Uu Hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Hubkan Oo Isugu Jira Qoryaha Fudud Iyo Kuwa Culus Ee Casriga Ah Ayaa Lagu Wareejiyay Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna, Iyadoo Aysan Waxba Ka Ogeyn Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha Itoobiyaanka Ee Hubka Keenay Ayaa Xalay Ku Hoyday Magaalada Dhuuse Mareeb, Waxaana Kulamo Albaabada U Xiran Yihiin Ay La Qaateen Madaxda Maamulka Ahlu Sunna, Iyadoo Xiriir Gaar Ah Uu Ka Dhaxeeyo Labada Dhinac.

Si Kastaba Ha Ahaatee Dowladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya Ayaa Hore U Kala Saxiixday Heshiis Ah In Wax Mashruuc Ah Oo Dowlada Soomaaliya Aysan Ogeyn Itoobiya Ka Sameyn Karin Soomaaliya, Balse Qodobakaasi Ayaad Moodaa In Dhowr Jeer Ay Burburisay Dowlada Itoobiya Iyadoo Horena Hub Fara Badan U Geysay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Boosaaso.

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Si Weyn U Neceb In Fara Galin Dowladaha Deriska Ay Ku Sameeyaan Soomaaliya, Laakiin  Wuxuusan Awoodin Inuu Ka Hortago.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.