XOG: Hogaamiyeyaal Al Shabaab Ah Oo La Qaban Rabay Oo Xirfad Layaab Leh Ku Baxsaday

16 total views, 1 views today

Tan Iyo Markii Ay Kordheen Howlgalada Ciidamada Dowlada Ay Ku Baacsanayaan Al Shabaab Waxaa Soo Ifbaxaya In Magaalada Muqdisho Ay Kasii Baxayaan Hogaamiyeyaasha U Qaabilsan Kooxda Dilalka Qorsheysan Iyo Qaraxyada.

Xogo Gaara Oo Wakaalada Warqaat Ay Heleyso Ayaa Sheegaya In Ragii Qorsheyn Jiray Weerarada Dilalka Iyo Qaraxyada Ay Isaga Carareen Magaalada Muqdisho, Iyagoo Ka Cabsi Qaba In Ay Gacanta U Galaan Sirdoonka Soomaaliya.

Horjoogayaal Ku Dhuumaaleysanayay Caasimada Ayaa Ka War Helay Inay Ku Dhow Yihiin Gacanta Ciidamada Amaanka, Waxaana La Ogaaday Qaarkood Iyagoo Iska Dhigaaya Haween Inay Si Dirqi Kaga Guureen Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya Ayaa Hore U Balan Qaaday In Mudo Kooban Lagu Soo Afjari Doono Weerarada Al-Shabaab Ka Geystaan Muqdisho, Waxaana La Soo Saaray Amaro Kala Duwan Oo Lagula Dagaalamayo Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.