XOG: Gudoomiye Taabit oo la qorsheynayo in uu ku biiro Kooxda Damu-jadiid Balse Xasan sh, oo…

19 total views, 1 views today

Sida Warka uusheegayo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Damu-jadiid ayaa kulan Albaabada u xiran yihiin xalay la qaateen Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ee xilka laga qaaday Thaabit Cabdi.

Kulanka Waxaa qaban qaabiyay Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Sodog u ah Thaabit Cabdi.

Kooxda Damu-jadiid ayaa dooneysa in Thaabit uu qeyb ka noqdo ololaha lagu mucaaradayo Farmaajo iyo Khyere sidoo kale la isugu diyaarinayo in dowlada soo socota uu Madaxweyne ka noqdo shaqsi ka tirsan Damu-jadiid.

Kulankan oo ka dhacay Hotel ku yaala magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Thaabit maadaama uu u sheegay xubnihii uu la kulmay inuu kasoo fekerayo.

Thaabit ayaa mucaaradka Dowladii Xasan Sheekh ku biiray markuu khilaaf kaga tagay Madaxtooyada Soomaaliya uu ka shaqeyn jiray wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka laf dhabarka u ahaa inuu Farmaajo dalka Madaxweyne ka noqdo, Xasan Sheekh ayaa la fahamsan inuu doonayo in markaan Farmaajo uu mucaarad ku noqdo si dul duleelada dowlada uu soo bandhigo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.