XOG: Galmudug Iyo Ahlu-Suna Oo Ku Hishiiyay Qodobadii Ugu Adkaa…

18 total views, 1 views today

Wararka Laga Helaya Caasimada Dalka Jabuuti Oo Uu Shir Ugu Socdo Maamulada Galmudug Iyo Ahlusunna Ayaa Sheegaya In Haatan Labada Dhinac Ay Gaareen Heshiis Hordhac Ah.

Mas’uuliyiin Shirkaasi Ka Qeyb Galaya Ayaa Xaqiijiyay Heshiiskan Hordhaca Aha Inkastoo Wali Aysan Saxiixin Dhinacyada Uu Shirka U Dhaxeeya.

Madaxweyne Ku Xigeen Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey Ayaa Hoosta Ka Xariiqay In Ahlu Sunna Ay U Galaadeen In Magaca Galmudug Lagu Midooba.

Waxaana Uu Intaa Raaciyay In Ahlsunna Ay Xubna Ku Yeeelan Doonaan Baarlamaanka Galmudug Iyo In Shaqsiyaad Katirsan Ahlusunna Loo Magacaabayo Gudoomiyaha Galgaduud Iyo Taliyayaal Ciidan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf Ayaa Dhankiisa Soo Dhaweeyay Heshiiskan Hordhaca Ah Ee La Gaaray Isagoona Sheegay In Dhawaan Uu Booqan Doono Magaalada Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.