XOG:-Galmudug Garabka Cadaado Oo Dawlada Dhexe Fiiladooda Toos Ugu Xirantay….

24 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Mas’uuliyiinta Kusugan Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal Gaduud Ayaa Waxa La Sheegay In Ay Si Toos Ah Xiriir Ula Yeesheen Madaxda Dawlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey Ayaa Waxa Ay Doonayaan Sidii Ula Gedin Lahaayeen Garabka Xaaf Ee Dhuuso Mareeb Kusugan.

Waxa Ay Galabta Sheegeen Garabka Cadaado Fadhiya Inaysan Jirin Wax Fara Gelin Ah Oo Dawlada Dhexe Ay Galmudug Ku Heyso.

Jawaabtaas Ayaa Waxay Garabka Cadaado Siiyeen Garabka Ay Xifaaltanka Siyaasadeed Ka Dhaxeeyo Ee Kusugan Dhuuso Mareeb.

Waxay Sheegeen In Xiriir Fiican Uu Ka Dhaxeeyo Maamulka Galmudug Iyo Dawlada Federaalka Qeybta Joogta Cadaado.

Xildhibaano Kol Hore Ku Shiray Dhuuso Mareeb Waxay Cali Gacal Iyo Carabeey Ay Sheegeen Inay Xilkii Ka Qaadeen,Taas Badelkeeda Xildhibaano Cadaado Ku Kulmay Waxay Sheegeen Inay Xaaf Iyo Xareed Xilka Ka Qaadeen.

Siyaasada Galmudug Ayaa Waxay Umuuqataa Mid Sii Xumaaneyso,Taas Oo La Sheegay In Dawlada Federaalka Ay Kala Jebineyso Oo Kuwa Dhuuso Mareeb Doonta Inay La Kiido La Doonayo.