
59 total views, 1 views today
Fu’aad Maxamed Khalaf Shoongale Oo Ka Mid Ah Saraakiisha Ugu Sareysa Ururka Al-Shabaab Ayaa Shacabka Soomaaliyeed Ugu Baaqay Iney Ka Qeyb Qaataan Wuxuu Ugu Yeeray Jihaadka Lagula Jiro Ciidamada Shisheeye Iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya.
Mr.Shoongale Ayaa Si Gaar Ah Shacabka Soomaaliyeed U Faray Iney U Dhabar Adeegaan Dagaalka Lagula Jiro Ciidamada Ka Soo Kala Jeeda Dowladaha Itoobiya Iyo Kenya Gaar Ahaan Ciidamada Qeybta Ka Aha AMISOM Eek A Jooga Soomaaliya.
Sheekh Fu’aad Oo Kamid Ah Saraakiisha Ugu Sareysa Al-Shabaab Ee Dhuumaaleysiga Ku Jooga Soomaaliya Ayaa Dheeraaday Ka Hadalka Wuxuu Ugu Yeeray Dagaalka Jihaadka Ah Eek A Socda Soomaaliya,Wuxuuna Carabka Ku Adkeeyay Iney Ciidamada Shisheye Dalka Ka Xoreyn Doonaan.
Hadalkaan Ayuu Fu’aad Shoongale Ka Sheegay Degmada Jilib,Halkaasi Oo Wali Ururka Al-Shabaab Gacanta Ku Hayaan.
Saraakiisha Ugu Sareya Al-Shabaab Ayaa Si Dhuumaleysi Ah Ku Jooga Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka,Waxaana Jira Culeys Dhanka Dagaalka Oo Kaga Imaanaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo AMISOM Oo Iskaashanaya.