XOG: Farmaajo Oo Diidey In Xilalka Laga Qaado Qaar Kamid Ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho

12 total views, 1 views today

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa diidey in qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho xilalka laga qaado.

Guddoomiyaha Muqdisho Injineer Yariisow ayaa madaxweynaha usoo gudbiyey aragti ah in meesha dhan laga saaro guud ahaan guddoomiyeyaashii Taabid Cabdi la shaqeynayey.

Hase ahaatee Farmaajo ayaa sheegay inaanu jirin qalad lagu eryi karo badi guddoomiyeyaashan, wuxuuna u sheegay Yariisow in la eryo oo kaliya qofka aan shaqo u qaban shacabka.

Sida caadada ah, markii la bedalo duqa Muqdisho waxaa la raacin jirey dhammaan cid walbo oo guddoomiye ka ahayd degmooyinka gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.