XOG: Farmaajo Iyo Taabit Oo Kulan Albaabada u Xiran Ku Yeeshay Muqdisho

17 total views, 1 views today

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa kulan degdeg ah la yeeshay Taabit Cabdi oo ahaa guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir.

Kulanka wuxuu ahaa mid aan lasoo qorsheyn, balse Farmaajo ayaa si uu u damiyo xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho ayaa degdeg ugu yeerat Taabit Cabdi.

Waxa uu farmaajo Taabit ka raaligeliyey wixii dhacay,balse taasi bedalkeeda wuxuu u sheegay in loo magacaabi doono safiir, waliba xil meel muhiim ah loo magacaabi doono.

Taabit ayaa hadda u muuqda mid aad uga qanacsan wixii ay ku sameysay dowladda Farmaajo, wuxuuna iska sii amba qaadi doonaa howlihiisa kale ee shaqada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.