XOG: Dagaal Goordhow Ka Bilowday Tukaraq Iyo Madaafiic Laga Maqlayo…

19 total views, 1 views today

Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaanada Ay Isku Horfadhiyaan Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Maamulka La Baxay Somaliland Ayaa Sheegaya In Uu Jiro Iska Horimaad Xoogan Oo Dhexmaraya Ciidamada Lugta Oo Isku Helay Aag Cusub.

Wararku Waxay Sheegayan In Deegaan Ku Dhaw Buurta Lagu Magacaabo Labo-Madaxley Laga Maqlayo Rasaasta Ciidamada Lugtu Ay Isku Adeegsanayaan, Waxaana Aan Jirin Ilaa Hadda Faahfaahin Dheeraad Ah Oo La Maqlayo.

Saraakiisha Ciidamada Qaarkood Ayaa Ka Gaabsadey, Waxayna Qaarkood Ku Sifeeyeen Iska Horimaad Kooban Oo Ilaa Hadda Rasaastiisa La Maqlayo.

Goobjoogayaal Ku Dhaw Deegaanka Tukaraq Ayaa Sheegay In Ay Maqlayaan Gaadiidka Dagaalka Hubka Dhacaya Iyo Midka Ay Adeegsanayaan Askarta Lugta Ah, Taas Oo Ka Dhigan Dagaal Toos Ah.

Ciidamada Puntland Ayaa Saacadihii Ugu Dambeeyey Waday Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Waa Weynaa, Waxayna Doonayaan In Ay Dib U Xoreeyaan Deegaanada Gobalka Sool