Xog Cusub: Khilaaf Ka Dhex Curtay Shariif Xasan Iyo Mukhtaar Roobow…

17 total views, 1 views today

Warar hoose oo ay heshay Warqaat.com ayaa waxay sheegayaan in haatan uu khilaaf hoose ka dhex curtay madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wadaadka kasoo baxsaday Al-shabaab.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Baydhabo ayaa inoo sheegay in la isku fahmi waayey qorshaha ciidan ee Roobow uu ka wado K/galbeed, taasi oo shaki badan gelisay Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu qadka Taleefanka kula hadlay Roobow una sheegay inuusan sameyn dhaq dhaqaaq ciidan oo aanau maamulkiisa la socon, meesha uu joogana ku xisaabtamo in maamul deggan yahay.

Roobow ayaa u sheegay Madaxweynaha K/galbeed in howlaha uu wado ay isaga ka weyn yihiin, waxna uu la wado DFS iyo sidoo kale dowladda Maraykanka.

Hadaba lama oga tallaabada uu qaadi doono Shariif Xasan oo ka shakisan in isaga lagu soo weeciyo howlaha uu wado Roobow, wuxuuna u baqayaa kursigiisa.