XOG CUSUB: Kheyre oo Carooday iyo Masuuliyiin DF uu kaga Shakiyay Alshabaab (Amar deg deg ah)

467 total views, 5 views today

Xog gaara ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku amray Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale inuu si deg deg ah usoo gudbiyo Taliyayaasha Ciidamada ee looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al shabaab ama ay ay u fududeeyaan Falalka amni darada.

Kheyre ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin Amni daro joogta ah sidaa darteed laga doonayo Taliyayaasha Ciidamada inay Labo arrin midood la yimaadaan:-

1: Inay soo bandhigaan Natiijada Baaritaanada ay sameeyaan marka ay Qaraxyada dhacaan isla markaana laga daba tago Shaqsiyaadka amni darada wada iyo kuwa Qaraxyada abaabulaya.

2: In laga helo cid qaadata Masuuliyadda Weerarada Qaraxyada iyo Dilalka dhaca oo tiraahda Qorshe xumideena Amniga ayay falalkaan kusoo noqnoqdaan.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Ra’iisul wasaaraha ka codsaday in la siiyo Waqti ay baaritaan kusoo sameeyaan isagoona balanqaaday in Natiijada baaritaanka si dhaqsi ah ay usoo gudbin doonaan.

Talaabadan uu qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku aadeysa iyadoo shalay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo ay ka dhaceen Qaraxyo ay ku geeriyooday in ka badan Labaatameeyo ruux oo aan waxba galabsan, waxaana Masuuliyada Weeraradaasi sheegtay Al shabaab.