Xog: Ciidamada Df Soomaaliya Oo Howlgal Ka Fuliyey J/Hoose

16 total views, 1 views today

Ciidamada Kumaandoosta Ee Dowladda Soomaaliya Ayaa Howlgal La Qariyey Oo Gaar Ah Waxay Ka Sameeyeen Deegaanno Badan Oo Gobolka Jubada Hoose Ah.

Deegaanno Ay Ku Sugnaayeen Saraakiil Al-Shabaab Ah Walibana Ku Dhow Magaalada Kismaayo Ayaa La Xaqiijiyey In Ciidamadan Oo Wata Diyaarado Dagaal Ay Ka Degeen.

Waxay Nolosha Ku Qabtee Saraakiil Al-Shabaab Ah, Balse Xilalkooda Iyo Magacyadooda Lama Soo Bandhigin, Sidoo Kalena Lama Oga Sababta Howlgalkaan Loo Qariyey.

Waxaa Jiray Sidoo Kale Rag Muhiim U Ahaa Al-Shabaab Oo Howlgaladan Ku Dhinteen, Iyadoo Weli Aanu Jirin Faah Faahino Ay DFS Arrintan Ka Bixisay.