Xog: C/Raxmaan C/Shakuur Oo U Sharaxan Xilka R/Wasaaraha Somalia…

14 total views, 1 views today

Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah Ee Ololaha Ka Wada Magaalada Muqdisho Ayaa Ujeedada Ugu Weyn Oo Ay Ku Mucaaradayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Waxay Tahay In Xilka Laga Qaado Ra’iisul Wasaare Kheyre, Isla Markaana Lagu Bedelo Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Xogta Ayaa Sheegeysa In Siyaasiyiintan Ay Madaxweyne Farmaajo U Cadeeyaan Ujeedadooda, Waxaana Inta Badan Ka Mideysan Fikirkaasi Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Beesha Habar Gidir, Oo Khalad U Arka In Iyaga Oo Jooga Beesha Murusade Loo Dhiibo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka Ayaa Dhaqaale Fara Badan Siineysa Siyaasiyiintan Waxayna Dooneysaa In Xilka Ay Ka Tuuraan Xukuumadda Kheyre, Walow Madaxweynaha Soomaaliya Uu Arintaasi Ka Biyo Diidayo.

Si Kastaba Ha Ahaatee Xiriirka Ka Dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre Ayaa Loo Arkaa Labadii Shaqsi Ee Ugu Wanaagsanaa Balse Mucaaradka Dowlada Oo Sii Badanaya Waxay Sababi Kartaa In Uu Iscasilo Kheyre Ama Baarlamaanka Xilka Ka Qaadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.