XOG: Beelaha Habar Gidir Iyo Abgaal Oo Ku Kala Mawqif Duwan Taageerada Madaxda dalka….

29 total views, 2 views today

Xogo Gaara Oo Ay Heshay Wakaalada Warqaat.Com Ayaa Sheegaya In Beelaha Ugu Tunka Weyn Magaalada Muqdisho, Ay Ku Kala Qeybsan Yihiin Mawqifyada Ay Ka Heystaan Madaxda Dalka.

Beesha Abgaal Ayaa Dooneysa Inay Xilka Ka Tuurto Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Waxaana Kulamo Aan Kala Joogsi Laheyn Ka Wada Hotelada Ugu Weyn Magaalada Siyaasiyiin Saameyn Ku Dhex Leh Siyaasada Soomaaliya.

Mawqifka Siyaasiyiinta Beesha Abgaal Ayaa Ah Inay Kursiga Ku Soo Celiyaan Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Qeyb Ka Ah Kulamo Maqaalada Muqdisho Ka Socda.

Waxay Doonayaan Inay Ka Faa’iideystaan Jawiga Adag Oo Ay Dhex Maquuraneyso Dowlada Madaxweyne Farmaajo Halka Dhinaca Kale Beesha Habar Gidir Siyaasiyiin Ka Mid Ah Ay Xulufo La Noqdeen Madaxweyne Farmaajo Iyagoo Culeys Ku Saaraya Inuu Ku Qasbo Is Casilada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

An Iyo Markii Xilka Ra’iisul Wasaaraha La Siiyay Beesha Murusade Waxaa Socday Olole Ka Dhan Kheyre Oo Ay Hormuud U Yihiin Siyaasiyiin Caan Oo Ka Mid Ah Beesha Habar Gidir.

Xildhibaanada Habar Gidir Ee Ku Jira Baarlamaanka Ayaa Qeyb Laxaad Leh Ka Qaadanaya Waxay Hada Ay Heystaan Mudanayaal Dhowr Ah Oo Ku Kacsan Xasan Cali Kheyre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.