XOG: Axmed Madoobe Oo Beesha Mareexaan La Galaya Heshiis Cusub….

19 total views, 1 views today

Warar hoose oo aanu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu hadda wado qorshe ballaaran uu ku doonayo in heshiis cusub kula galo beesha Mareexaan.

Madoobe ayaa qaban doona kulan ballaaran oo uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo sidoo kale waxgaraka beeshaasi, waxaana uu doonyaa iney dejiyaan xaaladaha maadaama maalmihii ugu dambeeyay ay kacdoon sameynayeen.

Ulajeedka ayaa ah in Jubbaland ay ka dhalato xasilooni siyaasadeed, sidoo kalena lasoo saaro shaqsiyaadka beesha Mareexaan ee diiddan maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu doonayo inuu meel saaro cid walbo oo dhaliilsan maamulkiisa.