XOG: AMISOM loogu yeeray inay farageliyaan xiisadii ka taagneyd Gobolka Banaadir ?

20 total views, 1 views today

Taliska AMISOM ayaa iska diiday inay faragelin ku sameeyaan xaaladihii siyaasadeed ee todobaadkan ka jiray Gobolka Banaadir, kaddib markii uu xoogeystay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday iyo Madaxda dowladda.

Warar laga helay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay AMISOM u direen dalab ah inay soo farageliyaan xaaladii ka jirtay Xarunta Gobolka Banaadir, halkaasoo ciidamo fara badan lagu arkay habeenkii Sabtida aheyd ee Guddoomiyaasha degmooyinka iyo waaxyaha kale ay ku dhawaaqeen inay u doorteen Taabid Cabdi Maxamed inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Xaaladaas ayaa walwal ka dhex dhalisay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ka hor intii aanay soo bixin wareegtadii xilka looga qaaday Taabid, kaddib markii dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemay Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay ku wargelisay AMISOM in Xarunta Gobolka Banaadir ay qabsadeen ciidamo beeleed, isla markaana qeybo ka mid ah degmooyinka ay soo galeen ciidamo fara badan, isla markaana xaalad amni ay jirto.

Taliska AMISOM ee fadhigiisu yahay Xalane ayaa sheegay in aanay howshooda aheyn inay farageliyaan arrimo siyaasadeed, taa bedelkeed waajibkooda ugu weyn ee amni uu yahay xaqiijinta ammaanka Madaxtooyada, Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha.

Intaas kaddib Jeneraalo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa xaalada ku baxay, isla markaana xiisada qaboojiyay, si aanay iska hor imaad u dhicin, waxaana ay ka saareen xarunta gobolka banaadir ciidamo milateri ahaa oo ku heyb ahaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday

Ciidamo Milateri ah oo ka tirsan kuwa Koofiyo gaduud ee ilaaliya Madaxtooyada iyo Ciidamo nabadsugid ah ayaa la wareegay xarunta gobolka banaadir, iyagoo ciidamadii booliska ee horay u joogay xarunta ka kala diray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.