XOG: 3-Wasiir oo go’aan ka yaabiyay Kheyre qaatay iyo Warqadood is casilaada oo…

xog cusub

18 total views, 2 views today

Warar hoose oo ay heshay Wakaaladda Wararka Warqaat ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheynayaan iney iscasilaan ka hor intaan isku shaandheyn lagu sameyn Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa qorsheynaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo Xukuumadiisa,islamarkaana uu buuxiyo boosas ay baneeyeen Wasiiro is casilay iyo kuwo xilka laga qaaday.

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn waqtiga rasmiga ah ee isku shaandheynta la sameynayo ayaa hadana waxaa jirta warar sheegaya iney iskood isku casilayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda,kuwaasi oo ka baqay iney saameyn ku yeelato isku shaandheynta.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mrawo Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ay qorsheynayaan iney casilaan ka hortaan xilka laga qaadin.

Wasiirka Amniga ayaa la saadaalinayaa iney isku shaandheynta saameyso,kaasi oo loo badinayo in lagu badalo Taliyihii hore ee Nabad sugida C/raxmaan Maxamed Tuur yare,sida xanta warka u badan tahay.

Labada Wasiir kale ayaa ka baqaya in xilka laga qaado,balse waxay sameynayaan ka hortag oo iyaga ayaaba la sheegayaa iney qorsheynayaan iney xilka iska casilaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa Xaalado siyaasadeed oo aad u cakiran ka dib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Ra’iisal wasaraaha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo sababtay in xilka laga qaado Tuuro Thaabit.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.