Xisbiga Wadajir Oo Ka Hadlay Sii Deyntii Cabdiraxmaan C/Shakuur Iyo Maxkamada…

26 total views, 2 views today

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Gutaale Ayaa Ka Hadlay Sii Deyntii Xalay Ee Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Oo Qaab Damiin Ah Oo Ka Dhashay Waan Waan Ay Wadeen Odayaasha Dhaqanka Lagu Sii Daayay.

Kamaal Gutaale Ayaa Sheegay In Kiiska C/Raxmaan Aanu Wali Dhamana, Balse La Sii Daayay, Isla Markaana Maanta Oo Khamiis Ah Uu Hortagi Doono Maxkamad, Si Ay U Cadeyso Maxkamadda In Aanu Wax Dambi Ah Laheyn.

“Xalay Gelinkii Dambe Ayaa La Soo Daayay C/Raxmaan, Sida Muuqata Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaanada Iyo Siyaasiyiinta Ayaa Ka Shaqeeyay, Anaga Waa Ku Kalsooneyn Inuu Bari Yahay Oo Uusan Wax Dambi Ah Laheyn”Ayuu Yiri Kamaal Gutaale Oo Wareysi Siiyay Idaacada VOA.

Waxaa Uu Sheegay In Maxkamadda Ay Ka War Sugeynayaan, Isla Markaana Ka Rajeynayaa Inay Cadeyso In Aanu Wax Dambi Ah Laheyn, Isla Markaana Wixii Qalad Ee La Galay Laga Hadli Doono.

Xalay Ayay Aheyd Wada Hadalo Saacado Badan Qaatay Oo Ay Qeyb Ka Ahaayeen Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Wasiiro Iyo Siyaasiyiin Lagu Guuleystay In Qaab Damiin Ah Lagu Sii Daayo C/Raxmaan C/Shakuur.

Shuruudaha Sii Deynta C/Raxmaan Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa, In Aanu Dalka Ka Safri Karin, Saxaafada La Hadli Karin, Shir Qaban Karin, Isla Markaana Maxkamadda Waqtigii Loo Baahdo Looga Yeeri Karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.