Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed Oo Sheegay In Kulamo Heer Caalami Ah Lagu Qabanayo Soomaaliya Sanadka 2018…

19 total views, 1 views today

Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed Ayaa Ku Dhowaaqday In Sanadka Dambe  Dalka Soomaaliya Lagu Qaban Doono Ciyaaro Heer Caalami Ah Kadib Markii Ammaanka Caasimada Uu  Soo Wanaagsanaaday.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab Ayaa U Sheegay Weriye Ka Tirsan VOA Laanteeda Afka Soomaaliga In La Gaaray Xilligii Ciyaaraha Heer Caalami Ah Lagu Qaban Lahaa Dalka Soomaaliya.

“Maadaama Uu Ammaanka Dalkeena Soomaaliya Uu Soo Wanaagsanaaday Waxaan Go’aansanay In Lagu Qabto Ciyaaraha Heerka Caalami Ah Dalkeena,”Ayuu Yiri C/Qani Siciid Carab.

Carab Ayaa Intaa Ku Daray In Dadka Soomaaliyeed Ay Xaq U Leeyihiin Inay Ku Daawadaan Dalkooda Ciyaartoyda Xulkooda Oo La Ciyaaraya Xulalka Dalal Kale.

“Waxaa La Gaaray Xilligii Shacabka Soomaaliyeed Ay Kooxahoodu Ugu Sacab Tumi Lahaayeen Garoomada Dalka Taasna Muddo Dhow Ayay Dhici Doontaa.”Ayuu Yiri C/Qani Siciid Carab.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed Carab Ayaa Intaa Ku Daray In Ay Ku Martiqaadi Doonaan Wadamada Deriska Inay Ciyaaro Saaxibtinimo Kula Yeeshaan Xulka Soomaaliya Garoomada Ku Yaal Dalka.

Qabashada Kulamada Saaxibtinimo Kadib Ayaa Lagu Qaban Doonaa Dalka Soomaaliya Kulamada Ay Ciyaaraan Xiriirka Kubbada Cagta Bariga Iyo Bartamaha Afrika CECAFA,Hase Yeeshee Lama Shaacin Xilliyada Ay Dhacayaan Ciyaarahaas.

Dalka Soomaaliya Ayaa Kulankii Ugu Dambeeyay Ee Heer Caalami Ah Waxa Uu Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Sanadkii 1988dii.

Madaxa Xiriirka Kubbada Cagta Afrika Ahmed Ahmed Ayaa Oggolaaday Qorshaha  Ay Soomaaliya Ku Martigelinayaan Ciyaaraha Heer Caalami Ah Kadib Markii Uu Booqday Caasimada Dalka Ee Muqdisho Horaantii Sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.