Xildhibaanno Katirsan Baarlamanaka Oo Eedeeyay Xukuumadda Dhexe

1,213 total views, 5 views today

(Warqaat.com)—Xildhibaannada ku jira golaha aqalka sare iyo golaha shacabka kana soo jeeda dowlad Gonoleedka Koofur Galbeed ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka in ay u kala xaglineyso musharixiinta ku tartamaya doorashada 17-November ka dheceysa magaaada Baydhaba .

Xildhibaannada oo ku shiray Muqdisho ayaa qaarkood dowladda in ay ku kaceyso tallaabo sii kala fogeyn karta dadka iyo dowladda, iyaga oo sheegay in kala xigsashada musharixintu ay halis gelin karto doorasada iyo deganaansha KGS.

Xildhibaannada ayaa sheegay in lacago farabadan,Gaadiidka aanay rasaasta karin iyo Ciidamadii Milatariga ee dalka ay dowladdu gaarsiiyey Baydhaba iyada oo doonaysa in musharrax ay iyadu wato uu ka soo baxo doorashada Koofur Galbeed.

Waxaa ay baaq u direen Xildhibaannada Maamulka Koofur Galbeed ee dooranaya Madaxweynaha xiga Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana ay ugu baaqeen in aysan dooran lacagta ee ay doortaan qof matali kara dadka Koofur Galbeed.

Xildhibaannada qaar ee Madasha ka hadlay ayaa sheegay in lacagaha ay dowladda Federaalka ah ku bixineyso doorashada Baydhaba ay kamid yihiin miisaaniyaddii dalka oo si khaldan loo adeegsanayo.