Xildhibaanada Hirshabeelle Oo Kulan Aan Caadi Aheyn Maanta Ku Leh Jowhar

17 total views, 1 views today

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Jowhar Ayaa Sheegaya In Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle Ay Maanta Leeyihiin Kulan Aan Caadi Aheyn Oo Looga Hadlayo Ansixinta Golaha Wasiirada Uu Soo Magacaabay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada Maxamed Yuusuf Colow Ayaa Sheegay In Kulanka Aan Caadiga Aheyn Ee Maanta Ay Leeyihiin Xildhibaanada Lagu Ansixin Doono Golaha Wasiirada.

Waxaa Uu Sheegay In La Xaliyay Caqabadihii Ku Hor-Gudbanaa Magacaabidii Golaha Wasiirada, Isla Markaana Madaxweynaha Hirshabeelle, Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Guddoonka Baarlamaanka Ay Ku Guuleysteen In La Xaliyo Tabashadii Ka Jirtay Magacaabida Golaha Wasiirada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Ayaa Ku Dhawaaqay Maalin Ka Hor In Kulan Aan Caadi Aheyn Ay Isugu Imaan Doonaan Xidlhibaanada, Iyadoo Lagu Wado Marka Maanta La Ansixiyo Golaha Wasiirada Uu U Ambabixi Doono Magaalada Baydhabo Oo Ka Furmayo Kulan Ay Leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka Iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Jowhar Ayaa Saaka Si Aad Ah Loo Adkeeyay, Waxaana Ciidamada Ay Xireen Waddooyinka Soo Gala Halka Ay Ku Shirayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.