Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

762 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxa ay Warqaat.Com u sheegeen Ajendaha kulanka inuu yahay codeyn ansixin oo hordhac u ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.