Xildhibaanada BF Somalia Oo Lagu Soo Rogay Canshuur Iyadoo Markii U Horeysay(CADEEYN)…

30 total views, 1 views today

Warqad Kasoo Baxday Wasiirka Maaliyadda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Ayaa Lagu Sheegay In Xildhibaanada Qaranka Laga Qaadi Doonno Lacago Canshuur Ah Oo Laga Jarayo Gunnooyinka Ay Qaataan.

Qoraal Soo Baxay Bishan 9-Keedii Ayaa Lagu Sheegay In Markii Ugu Horreysay Xildhibaannada Qaranka Laga Jaran Doono Lacagaha Ay Dalka Ka Qaataan.

Waa Markii Ugu Horreeysay Ee Ay Dhacdo In La Canshuuro Xildhibaannada Qaranka Soomaaliyeed, Waana Ujeeddo Wanaagsan Oo Dalka Looga Bixinayo Ku Tiirsannaanta Mashaarriicda Caalamiga Ah Iyo Deeq Bixinta Ku Saleysan Oo Dalka Dhibaato Ku Ah.

Si Kastaba Ha Ahaatee Xeeldheerrayaasha Ayaa Aamminsan In Sharcigan Canshuurta Ahi Wuu Faa’iido Badan Ugu Jiro Dalka, Haddii Loo Dhaqan Geliyo Sida Uu Yahay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.