Xildhibaan Xasan:-“Farmaajo iyo Kheyre Dalkaan Masii Hogaamin Karaan”,!

17 total views, 1 views today

Xildhibaan Xasan Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya ayaa sheegay madaxda hadda talada haysa inay ku adkaatay hoggaanka dalka, marka la eego maareynta Siyaasadaha dalka ka jira.

Si gaar ah ayuu u dhaliilay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo), iyo Raisulwasaare xasan cali Kheyre.

Xildhibaanka, ayaa sheegay Somaliya inay mareyso marxalad siyaasadeed oo u baahan maareyn in lagu sameeyo, arintaasina ay ka bixi karaan madax ka adag hoggaanka dalka Somaliya, marka la eego nidaamka dalka ee isbed bedelaayo.

Wuxuu soo hadal qaaday dhacdooyinkii kala duwanaa ee lagu galay guriga Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur iyo guriga Senator C/qaybdiid, isaga oo sheegay arrimahaasi oo dhan inay muujinayaan mugdi cusub oo Somaliya ay gashay.

“Runtii maalinta 17 December iyo habeenkeedii wixii dhacay ayuu waddanka weli ladaalaa dhacayaa,  dorraad ayaa ugu dambeysay oo Senatar kale gurigiisa loogu galay,  manaqaano xaaladda dalka waxaa uu ku socdo mugdi badan iyo walwal badan ayaa jira,annagu waxaan nahay siyaasiyiin,  waxaan dadka u qaabilsannahay siyaadda dalka, oo waan ku matalnaa marka in nidaamkii aan naqaanay habdhaqankii siyaasadeed in lagu soo noqdo ayuu baarlamaanka ku guuleystay inuu meesheedii u soo celiyo.” .” Ayuu yiri Xildhibaanka

Somaaliya ayaa xilligan waxaa ka taagan marxalad siyaasadeed oo aad u qalafsan una baahan maareyn iyo la dhaqan wacyiga ku saleysan si shacabka Somaliyed ay uga baxaan dhibaatada dalka ka taagan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.